Gacan ku heynta degmada guriceel oo weli la isku mari la yahay

0
165

Wararka aynu ka heleyno degmada Guriceel ayaa sheegaya in Saakay xaalada magaalada ay tahay mid degan, kadib dagaalo qaraar oo sadaxdii maalin ee lasoo dhaafay ku dhexmarayay gudaha degmadaasi ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa Galmudug oo is garabsanaya iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca.

Dadka deeegaanka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in saakay xaaladu tahay mid degan oo aanan magaaladu aysan ka jirin wax dagaal ah, inkastoo ay sheegayaan in xili walbo la filan karo in markale uu dib u qarxo dagaalka u dhaxeeya dhinacyada maalmahii lasoo dhaafay ka socday degmada Guriceel.

Dhinacyada ku dagaalamaya gacan ku heynta degmada Guriceel ayaa wali ku kala sugan goobahii shalay ay dirirtu ku dhexmartay, waxaana intaa sii dheer gurmadyo ciidan oo labada dhinac kala gaaray saacadahii ugu dambeeyay, kuwaas oo doonaya iney xoojiyaan dagaalka ka socda Guriceel.