Ciidamada iyo hoggaanka Ahlusunna Waljamaaca oo maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay degmada Guriceel Ciidanka dowladda iyo kuwa Galmudug ayaa saaka halkaasi isaga baxay.
Ka bixitaanka Ahlusunna ee Guriceel ayaa ka dambeeysay kadib wadahadal ilaa xalay socday oo uu garwadeen ka ahaa Ganacsade lagu magacaabo Xaashi Carabeey oo ehel la ah Maxamed Shaakir Cali Xasan, waxaana xogta la helay ay sheegeysaa in hoggaanka Ahluusnna iyo Ciidamadooda ay tageen degaanka Godwiil ee duleedka Guriceel.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada kala duwan ee dowladda ay la wareegeen Aaga Jaamacadda oo maalmahaan ay ka dagaalamayeen Ciidanka Ahlusunna, sidoo kalena ay la wareegeen laba Gaari oo kala ah Beebe iyo Cabdi Bille oo Ahlusunna ku qabsadeen dagaalkii Bohol, kuwaas oo ay ogolaadeen inay dowladda ku wareejiyaan.
Dagaal socday muddo Afar Maalmood oo xiriir ah ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray Ciidanka dowladda, kuwa Galmudug iyo xoogaga Ahlusunna.