Howlgalka Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa markii ugu horeysay ka jawaab celiyay eedeyn dhawaan kaga timid hogaanka sare ee Ahlu Sunna Waljameeca, taasoo aheyd in ciidamada AMISOM ay ka qeyb qaateen dagaaladii dhawaan ka dhacay degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.
AMISOM ayaa warsaxafadeedka ay soo saartay waxay ku sheegeen iney ka walaacsan yihiin eedeynta kaga timid Ahlu Sunna ee aheyd iney ka qeyb galeen dagaaladii Guriceel oo ay ka barbar dagalaamayeen ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug, iyagoona ku tilmaamay eedeymahaasi kuwa been abuur ah oo lagu doonayo in la isaga horkeeno AMISOM iyo Bulshada Soomaaliyeed.