Ciidamada ahlusuna oo fariisimo ka sameystey deegaanka bohol

0
144

Ciidankii Ahlusunna Waljaamaca ee shalay gebi ahaan isaga baxay Magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa barqadii Maanta gaaray degaanka Bohol oo dhinaca Waqooyi Galbeed uga beegan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Ciidanka Ahlusunna ayaa mar qura waaberigii hore ee saaka isaga baxay Guriceel oo maalmihii lasoo dhaafay uu ka dhacayay dagaal qaraar oo u dhexeeyay Ciidanka dowladda Federaalka, kuwa Maamulka Galmudug iyo Ahlusunna Waljaamaaca.

Ciidamada dowladda ayaa gebi ahaan la wareegay gacan ku heynta Guriceel, sida uu sheegay Guddoomiyaha degmadaas Anas Cabdi Macalin oo la hadlay warbaahinta, isagoona ku dhawaaqay in lasoo afjaray howlgalkii ka socday Magaalada.

Dagaalo socday afartii maalin ee lasoo dhaafay ayaa ka dhacay Magaalada Guriceel, isla markaana waxaa dagaalada la isku adeegsanayay hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana ka dhashay khasaaro lixaad leh oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray dhinacyada.