Alshabab oo madaafiic ku weerarey saldhig ay ciidamada puntland ku lahaayeen deegaanka Af urur

0
81

Al-Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay Saaka weerar madaafiic ah ku qaadeen Saldhig Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo kuyaal duleedka Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ilaa ku dhawaad 10 madfac lagu weeraray Saldhiga, kuwaas oo ku dhacay Gudaha Saldhiga iyo hareerahiisa, balse aan weli la shaacin khasaaraha ka dhashay.

Ciidanka Puntland ayaa rasaas culus uga jawaabay weerarka Al-Shabaab, waxaana la sheegay in ay duqeeyen goobtii laga soo tuuray.