Waxaa goordhaw si rasmi ah Xarunta Tababarka ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho loogu doortay kursigii ugu horeeyay ee doorashada kuraasta Aqalka Hoose ee gobolada Waqooyi ee Somaliland Raysal wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed.
Kursiga uu goordhaw ku guuleystay Mahdi Maxamed Guuleed oo tirsigiisu yahay HOP239, waxaa kula tartantay Mushtaaq Ibraahin Yuusuf, waxaana codeynayay 101 Ergo oo la soo xulay.
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka maamulka Soomaaliland oo ku dhawaaqay natiijada codeyntii doorashada ayaa sheegay in Mahdi Guuleed uu helay codad gaaraya 97 cod, halka Mushtaaq Ibraahin ay heshay 3 cod, islamarkana hal cod uu halaabay.
Waxaa sidoo kale daqiiqado kadib la doortay kursiga labaad ee tirsigiisu yahay HOP237, kaasoo ay ku wada tartameen Biixi Iimaan Cige oo ahaa Xildhibaankii kursiga ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay iyo Cabdiraxmaan Xasan Ismaciil, waxaana ku guuleystay kursiga oo markale Xildhibaanka afarta sano soo socota noqday Iimaan Biixi Cige oo helay 91 cod, halka Cabdiraxaan Xasan uu helay 9 cod.
Doorashada labada kursi ee maanta lagu doortay Muqdisho ayaa bilow u ah 46 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi, islamarkaana lagu dooran doono gudaha magaalada Muqdisho.