Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ayaa Maanta soo saaray Habraaca soo Gudbinta Dacwooyinka Doorashada Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Gudiga ayaa waxaa lagu sheegay in gudiga xalinta khilaafaadka oo fulinya heshiiskii 17-kii September & habraacii 1-dsii Octoober ee lagu dhisay Guddiga xalinta khilafaadka & warmurtiyeedkii kasoo baxay Golaha wadatashiga Qaran 21-22 Bishii Agoosto in uu mas’uul ka yahay u garnaqida iyo cabashooyinka ay soo gudbiyaan ergooyinka & musharixinta ay si toos ah u saameyso xadgudubyada ka dhasha maamulka doorashada, sidoo kalena uu awood u leeyahay in uu go’aamiyo muranada lagu diido go’anada ay gaareen gudiyada labada heer ee ku aadan kala Shaandheynta ergooyinka & musharixiinta ku tartamaya Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.
Guddiga ayaa shaaciyay in uu la wadaagayo musharixiinta, Codbixiyeyaasha & dhamaan daneeyayaasha doorashooyinka habraaca soo gudbinta dacwooyinka Golaha Shacabka.