Reysulwasaare Rooble oo u hambalyeeyey Mahdi Guuleed

0
48

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa marka hore waxaa uu u hambalyeeyay Xildhibaannada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Gobolada Waqooyi, kuwaas oo Maanta lagu doortay Magaalada Muqdisho.

Doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka ee Gobolada Waqooyi ayaa Maanta lagu doortay dugsiga tababarka Janeraal Kaahiye ee Magalada Muqdisho, kuwaas oo kala ah Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Xildhibaan Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo Xildhibaan Biixi IImaan Cige.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in doorashada Golaha Shacbaka sirasmi ah ugu bilaabato, wuxuuna dowlad Goboleedyada ka codsaday inay deg deg u bilaaban doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Dowlad Goboleedyada kajira dalka ayaa waxaa la filayaa in dhawaan ay bilaabaan doorashada Golaha Shacabka marka laga reebo Maamulka Galmudug oo weli Aqalka Sare ay uga harsan tahay doorashada laba kursi.