Al-Shabaab ayaa munaasabad ka dhacday deegaanka Buq-Aqable ee gobolka Hiiraan ku soo bandhigtay askar iyo saraakiil ay sheegtay inay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedka HirShabelle.
Askarta iyo saraakiisha ‘is dhiibtay’ ayey Al-Shabaab ku sheegeen inay gaarayaan illaa 9 ruux, isla-markaana ay ka how-galayeen degmooyinka Beledweyne iyo Jalalaqsi.
Qaar ka mid ah askarta lasoo bandhigay oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay inay ka howl-galayeen dowladda hoose ee Beledweyne iyo xarumo kale oo ku yaal Hiiraan.
Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka Beledweyne iyo saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Hiiraan, kuna aadan arrinta askartaas ‘isku dhiibtay’ Al-Shabaab.