Xildhibaan zakariye oo ka hadley drons ay kala wareegtey hay’ada nisa

0
166

Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid ah xubnaha waqtigu ka dhamaaday ee golaha shacabka ayaa war ka soo saaray diyaaradihii uu ka keenay dalka Turkiga ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo ay la wareegtay hey’adda Nabad sugidda Soomaaliya ee NISA.

Xildhibaanka ayaa qoraal uu soo saaray waxuu ku sheegay in diyaaradahaas oo lagu waraabiyo beeraha, cayayaankana looga dilo, ay si sharci darro ah kula wareegtay hey’adda Nabad sugidda, kadib markii uu ka soo dejiyey garoonka Aadan Cadde.

Xildhibaanka ayaa codsi uu u diray NISA waxuu ku yiri, “Waxaan ka codsaneynaa hay’adda NISA inay hantidaas ay leedahay shirkadda Hufan, looguna talogalay in loogu adeego beeraleyda Soomaaliyeed ay si deg deg ah ugu soo celiso gacanta Shirkadda Hufan.”

Ka hor hadalkaan ka soo yeeray Xildhibaan Zekeriye, Caasimada Online ayaa baahisay in NISA ay garoonka Aadan Cadde ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo Turkiga laga soo iibiyey.