Afhayeenka TPLF, Getachew Reda oo waraysi siiyay idaacadda BBCda ayaa sheegay in dano gaar aysan ka lahayn galitaanka Addis Ababa, isla markaana aysan ku jirin damaca ah inay xukunka la wareegaan, balse ay u dan leeyihiin oo kaliya inay ka hortagaan khatar kasta oo shacabka Tigray kaga imaan karta dhanka dowladda.
Kooxda TPLF oo kaashanaya Jabhadda OLF ayaa maalmahan ku sugan meelo u dhaw caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa, iyagoo horey ula wareegay magaalooyin kamid ah degaanka Axmaarada, halkaas oo shacab badani ka kasoo barakaceen.
Dhanka kale dowladda Itoobiya ayaa sheegtay inay sii wadayso dagaalka ay kula jirto kooxda TPLF, iyadoo duqaymo dhanka cirka ah ka fulisay maalmihii u dambeeyay goobo ay ku sheegtay inay ku sugan yihiin kooxda TPLF. iyadoo geesta kalena ka wada abaabul ballaaran oo ka dhan ah TPLF, kaas oo ka socda meelo badan oo kamid ah dalka Itoobiya.