Mareykanka oo ku baaqay in doorashooyinka dalka si deg deg ah loo qabto

0
126

Maraykanka ayaa dowladda federalka iyo maamul goboleedyada ku booriyay in si deg deg ah lsoo dhameystiro doorashada Golaha Shacabka Soomaaliya, ka hor dhammaadka 2021.

Qoraal lagu daabacay barta Twitterka ee safaaradda Maraykanka ee Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in la dardargeliyo hannaanka doorashada.

Dadka siyaasada falanqeeya ayaa aaminsan in dhameystirka howlaha doorashada ay qaadan karto dhowr bilood oo dambe, marka loo eego sida ay haatan wax ku socdaan.

Shalay beesha caalamka ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay walaac kaga muujinayaan dib u dhaca doorashada, waxayna hoggaamiyayaasha Soomaaliya ugu baaqeen in si degdeg ah lagu dhmaeysiro doorashada.

Si kastaba arintu ha ahaateen hadalkan kasoo yeeray dowlada mareykanka ayaa ah mid xaqiiqda ka fog isla markaana aan dhaqan gelikarin marka aad u kuurgasho qaabkaay dalka wax u socdaan walow doorashada markeedii horaba ay iska eheyn mid mac mal ah.