Simon Mulongo oo markii ugu hareysay ka hadley ceyrinta laga ceyriyey somaliya

0
65

Simon Mulongo oo ahaa Ku-xigeenka ergeyga gaarka ah Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii dawlada Soomaaliya dalka uga caysrisay, waxaana uu sheegay in uusan ogeyn ilaa hadda sababta lagu cayriyay.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in wadada lagu cayriyay ay aheyd mid aan laga bixin wax faahfaahin ah, islamarkaana uu la yaabay.

Waxaa uu sidoo kale intaasi kusii daray “Luuqadda lagu adeegsaday qoraalka diblomaasiyadeed ee dowladda fadeeraalka waxaa ku jira weero aan faah-faahintooda iyo macnahooda aan garaneyn. Ma aqaan wax sabab ah oo aan ogahay in go’aankan loo qaatay. Wax fikir ah kama haysto waxa ay arrintan ku saabsan tahay. Waxaan doonayaa inaan la macaamilo xaqiiqooyin ee ma ahan ku-tiri ku-teyn,”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku amartay Ku xigeenka Midowga Afrika ee Soomaaliya Simon Mulongo inuu dalka uga baxo muddo todobo cisho ah, kaddib markii lagu eedeeyay inuu ku guda jiro howlo aan waafaqsaneyn waajibaadka AMISOM iyo Istiraatiijiyadda Amniga.