Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaali Galbeed Mustafe Muxumed Cumar (Cagjar) ayaa ka hadlay dagaalka ka socda dalka Itoobiya, xilli kooxda TPLF ay ku hamineyso inay qabsato caasimadda dalkaas ee Addis Ababa.
Madaxweyne Mustafe ayaa walaac badan ka muujiyey mustaqbalka is-maamulka Soomaali Galbeed, hadii Tirgay ay qabsato Addis Ababa oo dowladda Ra’iisul wasaare Abiy Axmed ay burburto.
Madaxweynaha ayaa hadalkaan ka sheegay kulan uu shalay isugu yeeray odayaasha dhaqanka deegaanada Soomaali Galbeed, isagoo hoga tusaaleeyey dhibaatada ka dhalan karta hadii TPLF ay ku soo laabato xukunka dalka Itoobiya.
Waxa uu sheegay in wax dan ah aysan ugu jirin dadka Soomaalida ah in Tigray qabsado xukunka Itoobiya, maadaama sida uu qabo aysan kooxdaasi ka waantoobi doonin fikirkoodii ahaa nin qowmiyadaha dalka loo sameeyo maamul adag oo caburiya.