Ra’iisul Wasaaraha dowlada federaalka somaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee arrimaha Afrika Mss. Martha Ama Akyaa Pobee oo booqasho ku timid dalka.
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee QM ee Afrika, ayaa ka wada hadlay qodobbo ay ka mid yihiin arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaanna xaqiijinta qoondada haweenka 30% ee Goleyaasha BFS.
Intii uu kulanku socday waxaa sidoo kale looga wada hadlay Howlgalka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM, Mashaariicda Horumarinta ee QM ka fuliso Soomaaliya iyo xoojinta wadashaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha kala duwan ee QM.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa shalay sidan oo kale kulan la qaatay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Mr James Swan isagoo kala hadlay arrimaha dardar gelinta arrimaha doorashada.