Madaxweynahii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay munaasabad ka dhacday dalka Turkiga ayaa ku baaqay in la dadajiyo qabsoomida doorashada dalka oo waqtiyo badan dib u dhac ku yimid iney ku qabsoonto waqtiyadii lagu balamay.
Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay inaan loo baahneyn in kursiga oo hal qof isaga fadhiyo, islamarkaana lagu heshiiyay in afartii sanaba mar doorasho qabsoonto.
Waxuu sidoo kale sheegay inuu yahay Musharax u taagan markale qabashada xilka madaxweynaha Soomaaliya, isagoo ku baaqay in qof walba uu isku kalsoonaado doorashadana daaha laga qaado.