Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa soo saaray liiska xubnahii ka harsanaa doorashada kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya ku matalaya maamulka Galmudug.
Kuraasta ka dhineyd doorashada Aqalka Sare ee maamulka Galmudug oo aheyd labada kursi ee uu soo gudbiyay madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa ku wada tartami doono ilaa afar Musharax.
Kursiga koowaad waxaa ku wada tartami doona Musharaxiinta kala ah Cabdi Xasan Cawaale (Qayb-diid) iyo Cawil Nuur Cali, halka Kursiga labaadna ay ku tartami doonaan Cabdi Cismaan Xareed iyo Mahad Aadan Guuleed.