Axmed Madoobe iyo Dani oo kawada hadley arimaha doorashooyinka

0
82

Waxaa xalay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Magaalada Garoowe kulan horudhac ah ku yeeshay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo shalay gaaray Garoowe & Madaxweynaha martida loo yahay ee Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

Kulanka oo ay albaabadu u xirnaayeen ayaa wararka la helay ay sheegayaan inay uga wada hadleen Arrimaha Doorashooyinka Aqalka hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo dhawaan bilaaban doona.

Warar kale ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay kulan kooda ku go’aamiyeen in aysan Doorashada iyagu hor bilaabin si ay u qiimeeyaan Maamul Goboleedyada kale hadba sida ay u maamulaan doorashada Golaha Shacabka.