Ciidamada dowladda federalka Soomaaliya ee ku sugan degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeeladda hoose, ayaa burburiyay isbaarooyin sharci darro ah oo koox maleyshiyaad ah ay dhigteen wadada ee isku xirta Muqdish iyo shabeeladda hoose.
Maleyshiyaadka ayaa lacago baad ah ka qaadan jiray gaadiidka xamuulka qaada, waxaana shalay lagu qaaday weerar ay ka dambeyeen ciidamada booliiska iyo kuwa milatariga.
Labo kamid ah maleyshiyada ayaa goobta lagu dilay, sida ay warbaahinta u sheegeen saraakiisha hoggaaminaysay ciiddamada isku dhafka ee howlgalka qaaday.
Saraakiishu waxay sheegeen in howlgalkaas ay ku dhaawacmeen hal askari oo dhinacooda katirsan iyo qof shacab ah, waxay kaloo sheegeen in gacanta lagu soo dhigay qaar kamid ah raggii isbaaradu u taalay.