Madaxwenaha maamulka galmudug oo sheegay in dhawaan maamulkiisa uu bilaabi doonto doorashada aqalka hoose

0
121

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa shaaciyay iney si deg deg ah u bilaabayaan maalmaha soo socda qabashada doorashada Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa ku dhawaaqay in maamulkiisa uu qabanayo doorashada shan kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka, islamarkaana sadax maalmood gudahood lagu qaban doono.

Waxuu tilmaamay in maamulkiisa uu u diyaar yahay qabashada doorashada, waxuuna ka dalbaday guddiga doorashooyinka maamulka Galmudug iney dardar geliyaan howlaha doorashada Golaha Shacabka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale sheegay inuu raysal wasaaraha Soomaaliya uu la qeybsanaayo culeyska doorashada, isagoona ugu baaqay madaxda maamulada kale ee dalka si deg deg ah u bilaabaan qabashada doorashada Golaha Shacabka.