Senator Yuusuf Geelle Ugaas ayaa iska casiley kursigii Aqalka Sare ee dhawaan dib loogu doortay isla markaana uu ku matalayey deegaanada maamulka galmudug.
Warqad uu 15-kii bishan u diray madaxweynaha Galmudug, ayaa waxaa uu ku sheegay sababta uu kursiga isaga casilay inuu rabo in reerkiisa ka dhex sameeyo siyaasad caafimaad qabta.
“Anigoo dareensan mas’uuliyadda iga saaran dalka, gaar ahaan Galmudug oo aan matalo iyo reerka aan kursiga xisaabtooda ku fadhiyay, anigoo raba in bulshadu kuwada qanacdo hab maamulka madaxda Galmudug, anigoo jecel in la daaweeyo dhammaan walaallaha kursigan ka dhaxeeyo, waxaan go’aansaday in aan ka tanaasulo kursigii Aqalka Sare ee dib la iigu doortay 12-kii bishii August ee sanadkan, si aan tolkeyga dhexdiisa uga abuuro jawi siyaasadeed oo caafimaad baba,” ayuu Senator dhagey ku yiri qoraalka uu isku casilay.