Dalka ingiriiska oo ka hor yimid qorshaha holgalka amisom ka dooneyso somaliya

0
158

UK ayaa ka hor timid qorshaha lagu doonayo in howlgalka Amisom loogu badalo mid wadajir ah oo ay ku midaysan yihiin Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, sida uu dhawaan soo jeediyay Golaha Nabadda ee Midowga Afrika.

Go’aankan ayaa waxaa shaaca ka qaaday safiirka UK u fadhiya QM Barbara Woodward oo ka hadashay shirka golaha amaanka ee QM oo ay doraad ka yeesheen arrimaha Soomaaliya.

Barbara Woodward ayaa sheegtay in aragtidooda ay tahay in taageerada amniga caalamiga ah ee Soomaaliya laga dhigo mid sii jiri kara oo waara, iyo in la taageero sidii loogu gudbi lahaa nidaam amni oo ay Soomaalidu hoggaamiso, taasoo qayb ka ah qorshaha kala guurka ah ee Soomaaliya, marka ay Amisom baxdo.

Barbara waxay sheegtay in qorshayaasha midowga Afrika uu ka soo horjeedo fikradda horumarka leh ee ah in mas’uuliyadda ammaan si buuxda loogu wareejiyo Soomaalida.

Safiirka UK ayaa sheegay in heshiis lala gaaro Midowga Afrika iyo QM, iyadoo la tashanaya dowladda Federaalka ay ka dhigan tahay in laga gudbo ismari waaga haatan jira, lana gaaro heshiis horay loogu sii socdo.