Golaha ammaanka ayaa dhowaan magacaabaya guddi madax bannaan oo soo qiimeeya waxa ay dowladda Soomaaliya ka qabatay hubka sharci darrada ah, si looga fikiro in laga qaaddo cunaqabataynta hubka ee saaran.
Danjiraha Soomaaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay, Abuukar Baalle, ayaa warkaan ku sheegay wareysi uu bixiyay oo uu kaga hadlayay sababta Soomaaliya muddo ka badan 30 sano ugu guulaysan la’dahay in laga qaado xayiraada hubka ee hadda lasii kordhiyay.
Danjiruhu wuxuu sheegay in guddigan oo la magacaabayo bilaha soo socda ay tegidoonaan magaalada Muqsdisho, iyagoo u kuur galidoona heerka la dagaalanka hubka sharci darrada ah ee dalka Soomaaliya lasoo galiyo.
Danjiraha UNka ayaa sheegay in Soomaaliya markii ugu horraysay ay ku guulaysatay in ay la socoto oo wax laga weydiiyo hubka ciiddamada AMISOM loo keeno, isagoo sheegay in dowladda lasiinayo number sireedka hubkaas, si ay u ogaato haddii hubkaas cid kale gacanta loo galiyo.