Hogaamiyaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) oo haatan ku sugan Muqdisho ayaa ka bilaabay kulamo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka.
Lafta Gareen ayaa maanta kulan saacado badan qaatay la yeeshay madaxweynihii hore ee dowladdii KMG aheyd ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed, waxayna iska xog wareysteen xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka xubnaha Golaha Shacabka.
Sidoo kale waxaa kulankan goobjoog ah siyaasiyiin kasoo jeeda Koonfur Galbeed oo ay ka mid yihiin Aadan Madoobe, Senatar hore Ilyaas Cali Xasan iyo xubno kale.
Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ujeedka safarkiisa Muqdisho wuxuu la xiriiraa wada-tashiyo ku aadan doorashada, gaar ahaan loolanka loogu jiro mida Golaha Shacabka.