Gudiga doorashooyinka heer federaal oo rajo ka muujiyey in doorashooyinka xiligii loogu tala galay lasoo gabagabeyn doono

0
296

Afhayeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Axmed Safiina oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay iney boggaadinayaan liisaska ay kusoo gudbiyeen waqtigii loo baahnaa ee loo qabtay iney bilaawdaan howlaha doorashooyinka maamulada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Somaliland, isagoona ugu baaqay maamulada kale ee Puntland, Jubbaland iyo Hirshabeelle iney si deg deg ah u bilaabaan doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose.

Afhayeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Axmed Safiina ayaa sidoo kale waxa uu shaaciyay waqtiga kama dambeysta ah ee lasoo gabagabeyn doono howlaha doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka Soomaaliya.

Hadalkaan kasoo yeeray afhayeenka doorashada ayaa imaanaya xili dhowr jeer oo hore waqtiyadii ay ugu talo galeen howlaha doorashooyinka ay dib u dhaceen, waxaasa markaan muuqaneysa in wax uun rajo ah ay ka muuqato iney doorashada ku qabsoonto waqtiga loo balamay maadama maamulada qaar durbaba ay bilaabeen gudagalista howlaha doorashada Golaha Shacabka.