Ciidamada Nisa ayaa waxaa ay howlgallo amniga lagu xaqiinayay ka sameeyeen degaannada buuralayda ah ee kuyaal duleedka Magaalada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo.
Howlgalka ayaa ka dambeeyay kadib markii dhowr jeer falal amni darro ay ka dhaceen degmada Garbahaareey, sida ay sheegeen saraakiisha Ciidamada.
Ciidamada Duufaan ee NISA oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa tegay dhulka Buuraleyda ah ee duleedka degmada Garbahaareey, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiisha hoggaamineysa howlgalka ayaa waxaa ay sheegeen inay waddooyinka ka saareen miinooyin dhowr ah oo ay ku Aaseen Al-Shabaab si ay dadka ugu dhibaateeyaan.