Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay guddi heer Wasiirro ah oo u xilsaaran gurmadka dadka la il-daran abaaraha ku dhuftay meelo badan ee waddanka ah.
Raysal wasaaraha ayaa guddigan faray in si degdeg ah ugu howlgalaan sidii wax looga qaban lahaa abaaraha ka jira Soomaaliya, iyadoo ahmiyad la siinayo sida ay gobolada dalku xaaladdooda u kala culus tahay.
Wuxuuna beesha caalamka ka codsaday in ay ka caawiyaan dowladda Soomaaliya sidii loogu gurmadi lahaa dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.
Guddigan waxaa madax u ah wasiirka gargaarka Soomaaliya, Khadiijo Maxamed Diiriye, waxaana qeyb ka ah xubno wasiiro ah iyo culimada Soomaliyeed.