Maamulka degmada bardaale oo sharciyo cusub soo saarey

0
373

Waxaa Maanta degmada Bardaale ee Gobolka Baay kulan ku yeeshay Guddoomiyaha Maamulka degmadaas, Saraakiisha Ciidamada Amniga iyo Maamulada Xaafadaha & qaar kamid ah Xubnaha Golaha degaanka, kaas oo looga hadlayay Amniga Guud ee degmadaasi Bardaale.

Kulanka ayaa waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Maamulka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay, iyada oo Shirka laga soo saarey awaamiir ku aadan ammaanka Degmada iyo Deegaanada hoosyimaada.

Guddoomiyaha Maamulka Degmada Berdaale ee Gobolka Baay oo faah faahiyay Awaamiirta ay soo saareen ayaa sheegay in la mamnuucay mootooyinka xilliyada habeenkiin ka Shaqeeya degmada & dadka rasaasta faraha badan riyada xilliyada Arooska.

Sidoo kale waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in ay jiraan dad abaabulayo xiisado dhanka qabaa’ilka , isaga oo uga digay arriintaas, wuxuuna Shacabka faray inay ka qeyb qaataan sugida amniga degmada iyo degaannada hoostaga.