Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta gaaray magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ee maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Mursal ayaa waxaa garoonka diyaaaradaha ee Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay xubno uu ka mid yahay guddoomiyaha golaha wakiilada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cali Saciid Fiqi iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan maamulkaasi.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Baydhabo u tegay arrimo la xiriira doorashada, gaar ahaan ka qeyb-galka tartanka loogu jiro doorashada baarlamaanka Soomaaliya.
Afhayeenka baarlamaanka oo si dhow saaxib ula ah madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday iyo hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa rajo weyn ka qaba dib u soo laabashadiisa, waxaana kursigiisa uu ka mid yahay kuwa ugu horreeya ee lagu dooranayo Baydhabo.