Kulan looga hadlayo amniga oo lagu qabtey degmada walaweyn

0
62

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa kulan looga hadlayey Amniga Degmada Walaweyn la qaatay Odeyaasha Dhaqanka,Maamulka Degmada iyo Saraakiisha Laamaha Amniga.

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray Xoojinta sidii si wadajir ah looga shaqayn lahaa Amniga Degmada iyo ka hortaga Falalka amni darro ee mararka qaar dhaca, kuwaas oo ay geystan Ururka Al-Shabaab.

Odeyaasha Dhaqanka degmada Walanweyn ayaa Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed waxaa ay u gudbiyeen warbixin la xiriirta amniga degmada & degaannada hoostaga & sidoo kale baahida kajirta degmada.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Maamul Goboleedka Koonfur Galbeed Isaaq Cali Subag ayaa faray Maamulka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose dardar gelinta howlaha loogu adeegayo bulshada.