Gudiga doorashooyinka oo madaxda dowlada iyo kuwa maamul goboleedyada ugu baaqay madaxbanaanida doorashooyinka

0
56

Guddiga hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay baaritaanno ku sameynayaan dhammaan cabashooyin ka dhashay doorashada labada aqal ee ah in ay madaxda dalku faro galin ku hayaan doorashada.

Guddiga doorashada ayaa ku war-galiyay daneeyaasha doorashada in wax kastoo cabasho ah oo ka soo baxday kuraastii la doortay uu guddigu dib u eegi doono.

War-saxaafadeed kasoo baxay guddiga doorashada ayaa lagu sheegay, in wax kasta oo baal marsan hufnaanta doorashada uusan guddigu marna aqbali doonin, wuxuuna ugu baaqay tartamayaasha iyo daneeyayasha doorashada in ay wixii cabasho ah u maraan hanaanka loo dejiyey in wax looga qabto murannada doorashada.

Guddiga doorashada ayaa sidoo kale ugu baaqay madaxda Qaranka iyo kuwa dowlad goboleedyada in ay u madax baneeyaan guddiyada doorashada hawlahooda doorashada, ayna ka caawiyaan adeegyada muhiimka ah ee ay u bahan yihiin, sida amniga iyo taakulaynta saad.