Guddiga hirgalinta doorashada heer federal ayaa hakiyay doorashada kursiga tirsigiisu yahay 103, kursigaas oo la sheegay in laga reebay tartankiisa guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.
Guddiga ayaa sheegay kulan ay la qaateen Prof Maxamed Cusmaan Jawaari inuu usoo gudbiyay cabasho, waxayna sheegeen baaris kadib in ay go’aamiyen in la hakiyo doorashadiisa.
Qoraal kooban oo guddiga kasoo baxay, ayaa lagu sheegay, in kursigaan doorashadiisa dib loo dhiay illaa iyo inta laga xallinayo tabashooyinka kasoo yeeray habraaca loo maray diiwaan galinta musharraxiinta.