Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo kulan gaar ah la qaatay guddiyada doorashooyinka dalka ayaa soo saaray digniin la xiriirta doorashooyinka dalka ee 2021-ka.
Rooble ayaa uga digay guddiyada doorashooyinka ee heer federaal iyo heer maamul goboleed inay ku milmaan arrimaha siyaasadda ee taagan, wuxuuna tilmaamay in shaqadooda ay tahay kaliya jiheynta doorashooyinka 2021-ka ee haatan socda.
Sidoo kale wuxuu intaasi ku daraya in guddiyada doorashooyinka looga baahan yahay in ka shaqeeyaan cadaaladda, ayna ka madax banaanadaan maamul goboleedyada
Rooble ayaa hoosta ka xariiqay in muhiim tahay in la raaco shuruucda iyo habraacyada loo dejiyay doorashada, si ay u noqoto mid hufan oo cadaalad u dhacda.