Cabidweli Gaas oo reysulwasaaraha ka codsadey in la hakiyo doorashooyinka

0
51

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya marna soo noqday Madaxweynaha Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in doorashooyinkii la qabtay ee Aqalka Sare iyo tan Golaha Shacabka ay yihiin kuwo ku bilaawday boob iyo musuq maasuq.

Cabduweli Gaas oo la hadlay Tv-ga Universal waxaa uu ku eedeeyay Maamul Goboleedyada inaysan si sax ah u qaban doorashadii Aqalka Sare, balse rajo badan laga qabay sida loo qabto doorashada Golaha Shacabka, hayeeshee tabtii ay martay doorashadii Aqalka Sare lagu wado doorashada Golaha Shacabka.

Waxaa uu si cad u sheegay in hadii aan la joojin sida ay hadda wax u socdaan ay weji kalo yeelan karto, wuxuuna ku eedeeyay boobka iyo musuq maasuqa doorashada ay mas’uuliyadeeda leeyihiin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa cabashooyin kala duwan ay ka imaaneysay habka ay ku socdaan doorashooyinka Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana doorashada inta badan walaac ka muujinayay Xubnaha Midowga Musharrixiinta Madaxweynaha.