Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya oo kulan la qaatey Amiirka dalka qadar

0
68

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo safar ku jooga dalka Qatar ayaa maanta wada hadal la yeeshay Amiirka Dowladda Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani.

Madaxweyne Farmaajo iyo Amiir Sheekh Tamim ayaa kulankooda isla soo qaaday arrimo dhowr ah oo ku saabsan xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan si loo dardar galiyo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh.

Madaxweynaha oo uga mahad-celiyey Amiirka Qatar fulinta Mashaariicda dhismaha jidadka isku xira, Muqdisho, Afgooye, Balcad iyo Jawhar, dhismaha Xarumo muhiim u ah Dowladda iyo baahinta adeegyada aas-aasiga ah.

Dhankiisa, Amiirka Qatar Tamiim Binu Xamad ayaa ku bogaadiyey Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya wadashaqaynta dhow ee ay leeyihiin, midnimada iyo wadajirka ay ugu taagan yihiin dib u kabashada dalka, isaga oo muujiyey dareen walaalnimo oo ku aaddan horumarka dalka iyo guulaha muuqda ee aynu xaqiijinnay sanadihii la soo dhaafay.