Gudiga doorashooyinka qaranka oo sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan qaabka loo marey kursiga tirsigiisu yahay 103

0
185

Guddiga doorashada Soomaaliya ayaa sheegay in ay baaritaanno ku sameynayaan habka loo maray doorashada kursiga golaha shacabka ee tirsiigu yahay 103, oo la ogyahay inuu dacwad kasoo gudbiyay guddoomiyihii hore ee barlamaanka Soomaaliya Prof. Jawaari.

Guddoomiyaha guddiga doorashada, Maxamed Xasan Cirro, oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa weriyayaasha u sheegay in kursigaas la hakiyay, si go’aan looga gaaro in la marsiiyay habraacii loogu talo galay.

Guddoomiye Cirro ayaa sheegay in ay la kulmi doonaan dadka uu kursigaan quseeyo dhammaantood, isagoo tilmaamay in ay eegi doonaan sida loo maareeyay kursiga iyo habka doorashadiisu u dhacday.

Guddiga doorashada Koonfur galbeed oo qabtay doorashada kursigan todobaadkan horraantiisii, ayaa ku eedeeyay guddiga doorashada heer federal in ay faro galin ku sameynayaan waajibaadkooda shaqo.