Madaxweynaha maamulka puntland oo sheegay inuusan aqbali doonin ciidamo rag gaar ah ay leeyihiin

0
231

Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay inuu gacanta kusoo celiyo hay’addaha u xiran shaqsiyaadka gaarka ah.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay arrimaha ciiddamada isagoo sheegay in uusan jirin doonin ciiddamo rag leeyihiin oo Puntland kasii dhex shaqayndoona.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa u muuqday mid si toos ah ugu socday saraakiisha hay’adda PSF, kuwaas oo kasoo horjeestay in ay wareejiyaan xilka hay’adda ciiddanka PSF.

Hadalka madaxweyne Deni ayaa kusoo aadaya, iyadoo magaalada Boosaaso ay ka jiraan xiisado ka dhashay xil ka qaadista taliyaha hay’adda PSF. Puntland ayaa halkaas ku daabushay ciiddamo.