Qoraal kooban oo hey’adda NISA ay ku baahisay barteeda Twitterka ayaa lagu shaaciyey in 12 xubnood oo ka tirsanaa dagaalamayaasha Al-Shabaab ay caawa Muqdisho ku dileen ciidamada ammaanka.
Qoraalka waxaa lagu sheegay in bartilmaameedku ahaa 15 xubnood oo Shabaab ah, balse la dilay 12 ka mid ah ragaas.
Hey’addu qoraalkan kuma cadeyn goobta rasmiga ah ee uu ka dhacay howlgalkaan lagu dilay 12 qof, markii laga reebo in la xusay in howlgalku ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho.
Sidoo kale qoraalka NISA laguma kala cadeyn in la qabtay iyo inay baxsadeen 3-dii xubnood ee kale, maadaama qoraalkaan lagu sheegay in la dilay 12-xubnood oo ka mid ahaa 15 Shabaab ah oo la bartilmaameedsanayey.