Golaha amaanka ee qaramada midoobey oo mudo 3 bilood ah kordhiyey la dagaalanka burcad badeedka

0
248

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in la kordhiyo joogitaanka ciidamada badda ee caalamiga ah inay la dagaalamaan burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Golaha ammaanka ayaa u kordhiyay muddo saddex bilood ah oo keliya, iyadoo dowladda Soomaaliya ay doonayso in si buuxda u ay maamusho ammaanka biyaha Soomaaliya.

Dowladda Maraykanka ayaa Qaraarkan soo diyaarisay, waxaana si aqlabiyad leh u ansixiyay 15-ka xubnood ee golaha ammaanka.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan ayaa sheegay in go’aannada Golaha Ammaanka ee ku saabsan burcad-badeedda iyo dhaca hubeysan ee xeebaha Soomaaliya lagu guuleystay in la gaaro hadafkii laga lahaa.