Dowlada Norwey oo ku baaqdey in doorasho lagu kalsoon yahay ka dhacdo somaliya

0
190

Dowladda Norway ayaa taageertay baaqa beesha Caalamka ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya si looga gudbo marxaladda kala guurka ah ee wadanka.

Norway oo qayb ka ahayd war saxaafadeedyadii u dambeeyay ee beesha Caalamka soo saareen ayaa kamid ah wadamada Soomaaliya ka taageera dib u soo kabashada dhaqaalaha iyo dhismaha hay’adaha dowladda.

Sida laga soo xigtey qoraal kasoo baxay safaaradda Norway ee xaruntooda ay tahay magaalada Muqdisho, Norway waxay aaminsan tahay in xalka muran walba uu yahay wadahadal.

“Norway waxay taageereysaa baaqa caalamiga ah ee ah in doorasho xalaal ah, lagu kalsoonaan karo oo nabad ah ay ka dhacdo Soomaaliya,” ayaa lagu daabacay barta safaarada ee Twitter-ka.