Gudiga doorashooyinka somaliland oo laba garab u qeybsamey

0
273

Guddiga doorashada SEIT ee Somaliland ayaa markale laba u kala qeyb-samay, kadib markii khilaaf horleh ka dhashay habka loo marayo maareynta doorashada kuraasta harsan xubnaha Golaha Shacabka ee gobollada waqooyi.

Xiisadda ayaa soo shaac baxday, kadib markii uu guddoomiyaha Aqalka Sare uu soo saaray qoraal xasaasi ah oo uu ku dalbanayo in la hakiyo doorashada kuraasta 16-ka ah ee uu horay u shaaciyey guddiga maamulaya doorashada gobollada waqooyi (Somalililand).

Sidoo kale xubnaha qaar ee guddiga, gaar ahaan garabka gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa soo dhoweeyey go’aankan, halka xubnaha garabka Mahdi Guuleed aydiideen arrintaas, waxayna dhalisay in markale guddigu u kala qeybsamo laba dhinac oo iska soo horjeeda.

Dhinaca kale guddoomiyahaa Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa garabkiisa ka baxay guddoomiye ku xigeenka guddiga SEIT ee Somaliland, kaas oo markii hore guddiga kasoo galay dhanka Cabdi Xaashi, kadibna heshiis la gaaray ku helay ku xigeenka guddiga.