Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka horyimid go’aan dhaqan oo kasoo baxay qaar kamid ah Isimada Puntland, kuwaas oo qodobo kasoo saaray khilaafka iyo xiisadaha ka dhashay xil ka qaadista agaasimaha PSF.
Madaxweyne Deni oo xalay soo saaray qoraal ayaa nasiib darro ku tilmaamay in qeyb kamid ah Isimada Puntland ay ku taliyeen in hantida PSF gacanta loo galiyo agaasimihii hore ee PSF.