Maxkamada Gobolka Maroodi jeex oo go,aan kasoo saartey dacwadii loo heystey coldoon

0
456

Maxkamada gobolka Maroodi ayaa go’aan culus kasoo saartay kiiska Wariye Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon, kaas oo muddooyinkii u dambeeyey ku xirnaa xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa.

Maxkamada gobolka Maroodi-jeex ayaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah ugu dhowaaqday in Coldoon lagu waayey wax dambi ah, waxayna amartay in laga sii daayo xabsiga.

Xeer ilaalinta maxkamadda ayaa dhanka kale la sheegay inay rafcaan ka qaadatay go’aanka kasoo baxay maxkamadda Hargeysa ee lagu sii daayey Wariyaha.

Go’aanka sii deynta ee Cabdimaalik Sheekh Muuse Coldoon ayaa waxaa si diiran u soo dhoweeyey ehelladiisa iyo bulshada Soomaaliyeed oo aad uga hadal haya baraha bulshada.