
Guddiga Doorashada ee maamul Goboleed Galmudug ayaa shaaciyay qabashada 8 kursi oo ka mid ah kuraasta taalla magaalada Dhuusamareeb.
Kuraastaan waxaa qayb ka ah labo kursi oo kala ah #HOP138 iyo #HOP147 oo magaalada Guriceel looga matali doono Golaha Shacabka BJFS, kuwaas oo si weyn loo sugayey doorashadooda.
