Magalada baraawe oo lagu qabtey kulan looga hadlayo amniga doorashooyinka

0
148

Waxaa magalada baraawe ee gobolka shabelaha hoose ayaa lagu qabtey kulan looga hadlayo aminiga guud ee doorashooyinka ee la filaayo inay ka dhacaan degmada baraawe kulankaasi oo uu shir gudoominaayey gudoomiyaha baarlamaanka maamulka koonfur galbeed.

Kulankaasi ayaa lagu daah furey Warbixno iyo Qorshooyin Lagu sugeyo Amniga Magaalada iyo doorashada, iyo sidii ay isaga kaashan lahaayeen Ciidamada Amaanka.

Kulankaasi ayaa waxaa kasoo qeyb galay qeybaha kala duwan ee ciidamada, sida ciidanka Xoogga Dalka, Booliska, Nabad sugida iyo Amisom.

Magaalada baraawe ayaa noqon doonta magalaadii ugu horeysay ee marti gelisa in doorashooyinka macmalka ah ee somaliya lagu qabo laba magaalo taasoo ay ka biyo diidan yihiin qaar ka tirsan maamul goboleedyada dalka.