
Jeneraal Abuukar Xaaji warsame Xuud ayaa dalbaday in si degdeg ah looga saaro ciidamada gudaha loosoo galiyay magaalada Baladweyne, isagoo sheegay wixii ka dhasha inuu qaadayo madaxweynaha Hirshabeelle.
Jeneraal Xuud oo xalay warbaahinta kula hadlayay magaalada Muqdisho wuxuu kasoo horjeestay in Cali Guudlaawe uu tago magaalada Baladwene, wuxuuna beeniyay inuu jiro wax heshiis ah oo dhexmaray isaga iyo Hirshabeelle.
Jeneraal Xuud wuxuu tilmaamay go’aanka reer Hiiraan inuu yahay. in Cali Guudlaawe aanu tegin Baladweyne, haddii uu tagana uu mas’uul ka yahay wixii dhibaato ah oo halkaas ka dhaca.