
Madaxweynaha dowlada federaalka somaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka qayb galaya Meertada 35-aad ee Shir-madexeedka Midowga Afrika ayaa khudbad ka jeediyey fadhi uu Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ku soo bandhigayey warbixin ku saabsan xaaladda guud ee nabadda iyo amniga Qaaradda Afrika.
Madaxweynaha oo ka warbixiyey guulaha ay Dowladda federaalka Soomaaliya ka xaqiijisay la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada iyo nabad kusoo dabbaalidda Dalka, ayaa xusay muhiimadda ay qaaraddeenna u leedahay in meel looga soo wada jeesto la-dagaalanka Al-Shabaab iyo ururrada kale ee argagixisada ah.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in dowladda Federaalka Soomaliya ay ka go’an tahay la wareegidda masuuliyadda amnigeeda qaran, waxa uuna hoosta ka xarriiqay in ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fulinta heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo Golaha Nabadda iyo Ammaanku gaareen Bishii koowaad ee sannadkan, kaas oo jeexayey dhabbaha la wareegidda amniga oo ku qotoma hagitaannada iyo jihaynta ka soo fula dowladda Soomaaliya.
Shirka oo maalintiisii labaad galay, waxa Madaxweynaha iyo Wafdigiisu ay ku soo bandhigi doonaan halkaas, aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan mustaqbalka Qaaradda Afrika iyo dadaalada Soomaaliya ee ku wajahan la dagaallanka argagixisada.