
Guddiga oorashooyinka ee Maamul Goboleed ee Hir-Shabeelle ayaa Maanta oo Isniin ah waxaa ay Magaalada Jowhar ku qabteen doorashada laba kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.
Kursiga Koowaad ee Hop#70 oo uu ka geeriyooday Aadan Cali Xasan (Aadan Jamhuuriya) ayaa waxaa Maanta ku tartamay Cabdiraxman Maxamed Sheekh & Maxamuud Cali Bariise, balse waxaa kursiga ku guuleystay Cabdiraxman Maxamed Sheekh.
Guddiga doorashooyinka Hir-Shabeelle ayaa ku dhawaaqay in Cabdiraxman Maxamed Sheekh uu helay 71 cod, halka Musharixii la tartamayay uu helay 14 cod, waxaana halaabay 13 Cod.
Kursiga labaad ee Hop#115 ayaa waxaa ku guuleystay Cali Maxamed Cumar ( Cali Balcad) oo kursigaan horay ugu fadhiyay kadib markii ay u tanaasushay Marwo, Mulki Cabdullahi Islaaw.