
Guddiga doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Soomaaliland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 5 kusri oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay gobolada Waqooyi.
Kuraasta ay shaaciyeen guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa sumadoodu kala tahay HOP 241, HOP 263, HOP 240, HOP 271, HOP 205, kuwaas oo doorashadoodu ay dhici doonto 10- ka bishan Febraayo oo ku beegan Khamiista soo socota.
