Ciidamada dowlada iyo alshabab oo xaley ku dagaalamay degmada waajid

0
283

Dagaalka oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa uu ka dhacay degmada Waajid oo kamid ah degmooyinka Gobolka Bakool.

Dagaalka ayaa waxaa uu ka dambeeyay kadib markii Xubno katirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga ay ciidamada dowladda ku lahaayeen degmada Waajid, waxana halkaasi ka dhacay dagaal culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheeeen in dagaalka uu khasaaro dhaawac ah kasoo gaaray dhinacyada dagaalamay & dad Shacab ah, hayeeshee xaalada degmada ay Maanta tahay mid degan.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka Al-Shabaab kusoo qaadeen , isla markaana dagaal ay la galeen ay khasaaro ku gaarsiiyeen wallow faah faahino intaasi ka dheer aan laga heyn dagaalka.